Qaladaadkii ay galeen dhinacyada isku haya Galmudug iyo Xalka ugu habboon ee xurgufta

Khilaafka hareeyay dowlad gobaleedka GALMUDUG, waxuu billowday bishii September2017-ka, ilaa hatanna waa uu ka sii darayaa. Dhacdooyinku waxay isugu xigeen sidatan:

Sooyaalka Qalalaasaha Siyaasadeed ee GALMUDUG

19-kii September 2017, Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa soo saaray qoraal u ku taageerayo mowqifka mid ka mid ah dalalka khaliijka carabta ee is khilaafsan, waxuna Md Xaaf intaa sii raaciyay waraysiyo uu saxaafadda siiyay oo uu ku adkaynayay aragtidiisa. Waraysiyadaas oo soo ifbixiyay waxyaallo badan, loona adeegsaday erayo qayaxan oo aan siyaasi ahayn.

21-kii September 2017, waxaa war-mutiyeed lid ku ah midkii madaxweyne Xaaf si wada jir ah u soo saaray  madaxweyne ku xigeenka GALMUDUG, guddoomiyaha baarlamaanka GALMUDUG iyo ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka.

25-kii September 2017, Xaaf waxu soo saaray wareegto uu xilka uga qaadayo taliyaha amniga ee GALMUDUG Mr. Cali Cilmi Yuusuf (Ilkacase), sababo la xariira  taliyaha oo iska diiday amarro la xariira khilaafka madaxda GALMUDUG oo uu bixiyay Md Xaaf.

26-kii September 2017, golaha wasiirada ee GALMUDUG waxay soo saareen qoraal ay ku taageerayaan mowqifka Md Xaaf ee ah in lala safto qayb ka mid ah xulufada carabta ee ismaandhaafsan, taasina waxay sii kala fogaysay madaxdii maamulka.

Isla 26-kii bisha, ayaa waxaa fariistay tira ka mid ah baarlamaanka GALMUDUG oo lagu sheegay 55 xubnood, waxayna ku dhawaaqeen in ay xilkii ka xayuubiyeen Md Xaaf. Waxa shir-guddoominay xildhibaan ay si ku-meel-gaar ah u doorteen ka dib markii uu madasha soo gaari waayay afhayeenka baarlamaanka oo uu Md Xaaf ku xannibay hoygiisa. Go’aankani waxuu noqday mid dabkii baasiin ku shubay.

27-kii September 2017, Waxaa Cadaado gaaray wafti ka kooban labada aqal ee baarlmaanka federaakka ah, waxayna safarkooda ku sheegeen mid xaldoon ah.

isla 27-kii  bisha, ayaa Md Xaaf waxa uu soo saaray qoraal uu ku joojinayo diyaaradaha kasoo duulaya Muqdisho ee  ku wajahan GALMUDUG, ujeedaduna waxay ahayd in uu baajiyo imaanshaha wafuud kale oo oo ka socota dowladda dhexe oo ka qayb qaadan lahayd xal ku soo dabaalidda GALMUDUG.

Waxaa isla maalintaa qoraal kale oo lid ku ah midka Md Xaaf soo saaray dhinaca kale ee uu khilaafku kala dhaxeeyo iyo laanta socdaalka ee dowladda dhexe.

28-kii September 2017, ayay xildhibaanadi federaalka ee Cadaado joogay soo saareen war-murtiyeed uu nuxurkiisu ahaa in uu dadaalkoodi fashilmay, waxayna eed kala dul dhaceen dowladda dhexe. Dadka qaar ayaa waftigaas kuu tilmaamay mid dhinac u badan, waana midda keentay guul-darada soo degdegtay.

Isla 28-kii bisha, waxaa soo baxay warar sheegayay abaabul ciidan iyo isku hub-aruursi ka curtay aagagga Cadaado. Mar ay xildhibaanadaasi tageen Galinsoor  30kii bisha, ayaa waxay sheegeen in ay bannaan-bixiyeen ciidamo ku sugnaa Cadaado oo looga cabsi-qabay colaad-hurin.

30-kii September 2017, xubnaha baarlamaanka GALMUDUG ee kasoo horjeeda Md Xaaf waxay soo saareen guddi doorasho oo ka kooban 13 xubnood oo loo igmaday diyaarinta doorashada madaxweynaha GALMUDUG. Taasi waxay keentay in Md Xaaf uu dareemay qatarta ku xeeran kursigiisa oo sii korartay.

Isla 30kii September 2017, ayaa waxaa fariistay tiro xildhibaanna ah oo uu shir-guddoominayo ku-xigeenka koobaad ee baarlamaanka GALMUDUG, waxayna sheegeen in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne-ku-xigeenka iyo afhayeenka baarlamaanka GALMUDUG. Tani waxay jawaab u ahayd laba-kaclaynta garabka kale. Tirada baarlamaanka ee fariistay waxaa lagu sheegay 52 mudane. Garabka  kale waxu soo tabiyay tira middaasi aad uga yar.

1-da October 2017, Md Xaaf waxuu soo saaray qoraal uu ku sheegay in uu GALMUDUG kusoo rogay xaalad deg deg ah.  Waxa go’aankani ku xeeran su’aalo dhowr ah oo ay ka mid tahay sharcinimadiisa iyo sida uu u noqon karo mid caqli gal ah oo fuli karaya.

Isla maanta, waxa qoraal soo saaray guddoomiyaha maxkamadda sare ee GALMUDUG. Waxu soo gudbiyay liis gaaraya 25 xubnood oo ka kooban madaxweyne-ku-xigeenka GALMUDUG, afhayeenka baarlamaanka iyo dad kale oo muhiim ah oo reer GALMUDUG ah. Waxu codsaday in ay maxkamadda horyimaadan 3da bishan October, isaga oo sheegay in laga soo gudbiyay cabasho. Waa dacwo wadareed siyaasadaysan oo kaga timid dhinaca madaxweynaha.. Guddoomiyuhu intaa waxuu ku daray gooddi adag oo ku aadan ciddii amarka iska diidda.

GALMUDUG ma leedahay maxkamad sare oo shaqaynaysa? Arrintani ma saxbaa in sidaa loo wajaho? Ma laga dhabayn karaa misa waa dhayal? Waa su’aalaha taagan.

Halkaas ayay iminka GALMUDUG taagantahay, waxana kuu muuqanaya sida ay xaaladdu u sara-kacaysay xilliba xilliga ka danbeeya iyo in uusan  jirin caqli xal-doon ah.

Maxaa soo socda

Dabcan Md Xaaf waxuu diyaarinayaa doorashada madaxweyne-kuxigeenka iyo afhayeenka baarlamaanka GALMUDUG. Waxuu isku dayi doonaa in uu awood ciidan ku caburiyo ragga ay is hayaan, sida ka muuqata wareegtada uu soo saaray maanta. Waxaba markiiba isi soo qaddimay rag loo sharraxay kuraastaasi oo u arka fursad dahabi ah, kuwaasi oo ka hordhacay bisaylka arrinta, aadna aanan u celcelinin isku-dhacyada xisaabaadka siyaasadda.

Waxa kale oo Md Xaaf u qorshaysan in uu maxkamadda la sheegay ku cadaadiyo in ay soo saarto go’aan isaga ayidaya, siinayana awoodo dheeraad ah, waxana laga yaabaa in ay la qurxanaato musaafirinta madaxda ay is hayaan, taasi oo aad u adag. Xayiraadda uu ku hayo md k/xigeenka iyo afhayeenka baarlmaanka, ayaa iyaduna la iman doonta Qatar hor leh, haddii uu kusii adkaysto.

Garabka kale, waxay sii wadi doonaan qabanqaabada doorashada madaxweynaha GALMUDUG, waxayna iska indha-tiri doonaan dhammaan amarrada iyo go’aanada Md Xaaf.

Waxaa laga yaabaa, haddii ay sidaasi ku socoto, in ay xaaladdu isu badasho gacan-ka-hadal iyo isku-dhacyo hubaysan oo aysan cidina dani ugu jirin. Waxay wiiqi doontaa midnimada  shacabka iyo wadajirka geyiga GALMUDUG. Waxaa soo faragalin doona xoogag kale ee siyaasadeed oo uga sii dari doona, sida IGAD, Immaaraat-ka, Ahlusunna, madallo siyaasadeed iyo qaar kale.  Waxay dhaawici doontaa wadashaqaynta dowladda dhexe iyo GALMUDUG.

GALMUDUG Yay Eersatay

Khaladka siyaasadeed ee ka aloosan GALMUDUG waxaa qayb ka ah dhinacyada soo socda;

Madaxweyne Xaaf waxuu galay saddex qalad oo waa weyn oo dastuuri ah:

Kow: la safashada dhinac ka mid ah dowladaha khaliijka ee is khilaafsan, taasi uu liddi ku ah dastuurka Soomaaliya iyo midka GALMUDUG, wiiqayana gobanimada iyo wadajirka Soomaaliyeed. Waxaa isaga la mid ah maamulada kale ee la mowqidka ah;

Laba: Waxuu diiday in uu ka tanasulo gabidhaca siyaasadeed ee uu galay, taasina waxay sii horseedday qalalaasaha haatan taagan;

Saddex: Xabsi-guriga uu galiyay madaxda ay is khilaafeen, taasi oo tilmaamaysa kaligii-talisnimo iyo xagjirnimo siyaasadeed.

Garabka kale ee GALMUDUG ee ay goggaaminayaan Madaxweyne ku-xigeenka iyo afhayeenka baarlamaanka, iyaguna waxay galeen qaladyada siyaasadeed ee soo socda:

Kow: go’aanka xil ka qaadista Md Xaaf oo ahaa mid ku salaysnaa fudayd iyo deg deg.

Laba: ayaga oo  xalka u arkay aragtidooda oo kaliya, taasi oo ahayd wacyi-yiri siyaasadeed. Waxay ka il-duufeen is-barbardhigga aragtiyada kala duwan iyo qiimaynta mustaqbalka siyaasadeed ee GALMUDUG;

Saddex: ayaga oo talada masiirka siyaasadeed ee GALMUDUG u gacan-galiyay shakhsiyaad  rayid ah oo aanan qayb ka ahayn dowladda dhexe iyo maamulka GLMUDUG, kana qaatay talooyin badan iyo maal-galin, sida la sheegay.

Xildhibaanada federaalka ah ee jooga Cadaado waxay galeen 3 qalad oo taariiki ah:

Kow: shacabka Soomaaliyeed waxay u direen sawir ah is-kooxaysi, marka la eego dhinacyada ay ka koobanyihiin;

Laba: waxay dhabarka u jeediyaan xubnihii kale ee baarlamaanka federaalka ah ee kasoo jeeday GALMUDUG ee ay olagga ahaayeen kuwaas oo kala qayb qaadan lahaa xallinta arrintan cakiran, taasina waxay farta ku fiiqday damacyo gaar ah oo dhar loo xidhay. Waxaa waji-gabax ahayd markii ay raalli ka noqdeen xinnibaadda duulimaadyada ee uu Md Xaaf kusoo rogay xildhibaanada kale ee iman lahaa;

Saddex: waxay si cad ula safteen garabka Md Xaaf, waxayna qayb ka noqdeen Jahawareerka hadda ka taagan Cadaado. War-murtiyeedkooda waxa ka muuqatay xammaasad iyo miisaan la’aan;

Afar: doorka ay qaateen waxaa iska lahaa xukuumadda federaalka ah oo ay  wasaaradda arrimaha gudaha hoggaaminayso. Ma ahayn shaqo baarlamaan, lamana aysan tashan xukuumadda, sida la caddeeyay. Waxuu ahaa tala-marooqsi aan lagu libin. Haseyeeshee, meesha lagama saari karo in ay markii hore muujiyeen dadaallo badan oo ku aadan isu-soojiidka madaxda GALMUDUG.

Dowladda Federaalka ah: Dawladdu waxay ku qaldantay arrimaha soo socda:

Kow: waxaa muuqata in rag lagu tirinayo dowladda aysan dhexdhexaad ka ahayn khilaafka GALMUDUG. Qaar ka mid ah waxaa lagu eedaynayaa in ay door weyn ka ciyaarayaan sii hurinta qulqulatada siyaasdadeed ee GALMUDUG;

Laba: Dowladdu waxay seegtay in ay marka hore wadahadal la furto madaxda dowlad-gobaleedyada oo ay GALMUDUG ku jirto, kalana xaajooto go’aanka gurracan ee ay kula safteen Immaaraadka iyo Sacuudiga. Waxaa ka dhalan karay Isfahan iyo isu-garaabid loo dhanyahay;

Saddex: Xukuumaddu waxay ka gaabisay maaraynta mashaqada siyaasadeed ee haatan ka taagan GALMUDUG iyo kuwa kale oo iminka kasoo ifbaxa meela kale.

Talo Soo Jeedin

Si loo soo afmeero ismarinwaaga siyaasadeed ee GALMUDUG, loogana hortago kuwa kale oo la mid ah, waxaa habboon qodobada soo socda:

Dowladd dhaxe waa in ay qaadataa mowqif dhexdhexaad ah, kana shaqaysaa midnimada shacabka GALMUDG iyo xasilinta maamulka;

Waa in laga tanasulo dhammaan go’aanada xil-ka-qaadista ee lagu kala aarsanayay, dib u heshiisiinna loo sameeyo madaxda GALMUDUG ee is khilaafsan;

Md Xaaf, waa in uu ogolaado doorka dowladda dhexe ee arrimaha dibadda, kana garaabo gabidhaca dublamaasiyadeed ee uu galay. Waxa la mid ah maamulada kale ee iyaguna galay takrifalkaas;

Xildhibaanada haatan jooga Cadaado waa in ay u daayaan xukuumadda doorkeeda. Waa in aysan u arag khilaafka GALMUDUG biyo laga kalluumaysan karo, ilaaliyaanna wadajirka iyo tala-wadaagga ay ku dhisantahay GALMUDUG .

Dowladdu waa in ay u wajahdaa dowlad-gobaleedyada hannaan nabadeed oo ku salaysan wadatashi waafaqasan shuruucda dalka iyo awoodaha u yaalla labada heer.

Axmed M. Caafi waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo daggan Muqdisho,

Waxuna aad ugu dhuun-duleelaa arrimaha siyaasadda ee bariga Afrika,

Waxu ku takhasusay maamulka iyo goggaanka & Shareecada Islaamka.

Waxaad kala xadhiidhi kartaa: [email protected]

You might also like More from author