Nidaamka amniga ee caasimada iyo Istaraatiijiyada Amaan lagu kalsoonaan karo yaa qadi kara masuuliyad ahaan.

Magaalada Muqdisho waa caasimadi dalka waxeey xarun utahay 18 ka  gobol ee Somalia ka koobtanahay maantana isku badalay dowlad goboleedyada. Burburkii kadib sida aad la socotaan waxeey hooy noqtay dagaalo sokeeye, kuwa diimeed iyo isku dhacyo kala duwan ee dhex mara badanaa kooxha hubeysan ee kuwada suga caasimada.Muqdisho dadka ku nool buburkii dalka kadib kama nasan dhawaqa  madaafiicda iyo qaraxyo, marka laga reebo waqtigii koobnaa ee Maxkamadihii islaamku  gacanta kuwada dhigeen amaanka caasimada.

Hadaba muqdisho si nidaam iyo kaladanbeyn u hesho qaabkee ugu wanaagsan ee loo sugi karaa amaanska muwadintiinta gobolka ku noool iyo bulshada kale ee kusoo hiratay ?

Inta badan tilaabooyinka nabadgelyo ee loo soo bandhigo hawlqabad waxay u baahan yihiin nidaam dagan dayactir iyo ka warqab joogto ah si loo tixraaco looga dhabeeyo hirgalintooda.

Waxa jira tilaabooyinka qaar oo yar  yar balse amaanka muhiimad gaar ah u leh  in hal mar la meel mariyo kadibna ay noqdaan nidaam waara oo mustaqbalka la tix raaco hadbana hormar lagusii sameyn karo. Tusaale ahaan Taraafikada oo nidaam sharci loo sameeyo ayaa tilaabo awoodeed amaanka wax badan ka qaban kara hadaan la qiimeyna dhibaato xoog leh abuuri kara. Dib umilicso dhacdadii Zoobe wararka qaar ayaa shegaya in ay sababtay Baaburka xamuul ah oo aan isticmaalin seedka saxda ah dabadeedna ku dhacay baabur kale halkaasna uu dhibaato weyn ku gaarsiyay shacab aan waxba galabsan. Ujeeda aan usoo qaatay ayaa isticmaalaka seed qaldan waa calaamad digniin ah in baabur waduhu kusocdo hab qaldan una baahanyahay ka waraqab dagdag ah oo poliska xaruntaas qaado.

Sidaa darteed ayaa loo bahanyahay in la helo nidaam iyo is warqab kala danbeyn caasimadu yelato si looga gudbo hanaanka isku dhex yaaca iyo masuuliyad isku tuurka ka dhextaagan caasimada.

Inagoo raaceyna kala sareynta iyo hab dhismeedka woodaha waxaan aragti ahaan ayidayaa in looga danbeeyo gudoonka maamulka gobolka banaadir masuuliyada amaanka laguna  wareejiyo guud ahaan caasimada taas oo fudueyneysa in marxaladaha caasimada isbadalaan, go, anada kaso baxaya haydaha ku shuqleh arimaha gobolka banaadir hab ay kula xisaabtami karaan masulkii dayaca shaqada loo igmaday islamrkaana hirgalo habrac isla xisaabtan aan isku qasneyna ay kasoo bixi karto.

Dhibaatada maanta taagan.

Sidaan la wada socono dhaamaan hay,adaha dalwladu ka koobantahay waxeey xafisyadeedu ku yalaan caasimada,. Heerar kasta oo dowladu ka koobantahay waxeey ka howl galaan gobolka banaadir ha ahaato militrigii, Nabad sugidii, waxeyna soo saraan amaro kala duwan oo aan la qoon cida fulineysa iyo cida iska leh ineey soo saarto madaama ay jiraan masuliyadu ku kal magaacaban shaqada taas ayaan abuureysa ineey ka fa,idaystaan Qaswadayaasha kal duwan iyo cadowga is biirsaday.

 Gobolka banaadir hadii lagu wareejiyo  maxaa is badalaya?

Caasimadu waxey ka koobantahay 16 dagmo iyo dagmooyin cusub oo gadaal uga soo biiray ananna sheegi karin tiradooda madaama qaarkood dowladihi kala danbeyay ay laleen hayeshee waxaa hubaal ah in Maamulka gobolku balaarin karo awooda una qaybin karo degmooyinka laamaha gobolka kulana xisaab tami karo.

Laamaha sirdoonka gobolka, poliska iyo qaybaha kala duwan ee amaanka waxeey dhamaan hoos imanayaan Gudoomiyaha gobolka hadii wax dhacaana Su,aalo laga weydiin karo qaabka iyo sababta ay u fuduaatay ama dhacdaonuceey doonto ha ahaate ay u dhacday waxaan taa mesha ka sareysa  in masull shaqo loo dhibay uusan ku hoos ganban is dhexyaac iyo kala masuuliyad qaybi al,anta sida maanta jirta oo kale.

 Ugu danbeytii

Caaismadaha aduunka markaa proceska amaanka dib u raacdo waxaa masaul ka ah mamulka Caasimada iyo Poliska hadii ay dhacaan awoodo aysan qaadi karin waxeey caawinaad ka dalbanayaan Hay,adaha ka sareeya si looga hortago hujuumaada awooda leh ee ka tan badan gobolka.

Talo:

Maamulka Gobolku qaabkuu ku yereyn karaa amaandarada Caasimada?

Si loo xakeemeeyo dhibaadamaalin laha iyo dhacdooyinka aan la aqoonsan waxaa muhiima in gobolka bnaadir keeno habab cusub oo lagu raad raaco bulshada sida mareynta macluumaadka. (MM)

Hawlgallada ku habboon ee hawlaha waxay noqon karaan:

Mareynta aqoonsiga/identity Management

Maareynta lasocoshada/Continuity management

  • Qoondaynta macluumaadka/ information classification
  • Maareynta dhacdada/ incident management
  • isbadal lagu sameeyo mareeynta/ change management
  • Maaraynta adeegga iyo taageerada/ service and support management
  • maareynta oggolaanshaha yacni Ruuxa sharciyan ku shaqo leh/ authorization management

Iyadoo maamulka uu Dajinayo hab aqoonsi tasoo ku qasbi karta ruux kasta oo caasimada kunool inuu aqoonsigiisa ku adeegto. Tusaale hadii aad doneysid inaad teleefon Ka isticmashid shirkada Hormuud waa inaad ku adeegtaa Security numebrkaada si dabagal loo gu sameyn karo hadii laga shakiyo adeegtaha

Ha lagu wareejiyo gobolka amaanka caasimada si lo yareeyo dhacdooyinka amaandaro ee Caasimada. Wa bilaahi towfiiq.

WQ:Ahmed Abdulahi kaboole (Ahmed Daaci) Stockholm Sweden

Falaqeeya arimaha amaanka iyo Xagjirnimada

Arday: cilmiga siyaasada Mälardalen University Västerås

 

 

 

 

 

You might also like More from author