AKHRISO: Imisa dil ayaa bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho ﴾Goobta iyo Xiliga﴿

Waxaa bishii August ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay dad shacab ah, Shaqaale dowladeed iyo Askar ka tirsan Hay’adaha amaanka.

Dilalka ugu badan ayaa dhacay inta u dhexeysa Salaada duhur ilaa xiliyada habeenkii, iyadoo dilalkaasi ay ka dhaceen goobaha ay dayaceen Hay’adaha amaanka.

AKHRISO DILALKA KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO BISHA AUGUST 2017

1­August 04, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Nabadoon Geedi Firdhiye ku dilay Degmada Dharkeenleey ee Gobolkaan Banaadir, gaar ahaan Xaafada Macmacaanka.

2­August 04, 2017, waxaa Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud, Maxamed Daahir Cali Cilmi iyo walaalkii oo lagu magacaabi jiray Injineer Xasan.

3­August 07, 2017, Ciidamo ilaalo u ahaa Xildhibaan Samro Ibraahim Cumar ayaa Isgooyska Taleex ee Degmada Hodan ku dilay 2 ruux oo dhalinyaro ah, halka labo kalane ay dhaawaceen.

4­August 12, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Minishiibiyada kaa oo magaciisa lagu soo koobay Shaafici.

5­August 15 2017, Dabley hubeysan oo gaari watay ayaa rasaas ku furay gaari kale oo ay saarnaayeen dad wada qoys ah oo maraayay nawaaxiga Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan, waxaana ku dhimatay saddex ruux, halka afar kalena ku dhaawacmeen.

6­August 17, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa degmada Waabari ku dilay Askari ka tirsan Ciidamada NISA, waxa uuna dilka ka dhacay Xaafadda Uniseef ee Waaxda October ee degmada Waabari.

7­August 17 2017, Rag bistoolado ku hubeysnaa, ayaa dilay Gudoomiyihii Guddiga Garsoore­yaasha Xiriirka Kubadda Cagta Somaliyeed, Cismaan Jaamac Diraac oo dilkiisa ka dhacay xaafadda Xamar Bile ee Degmada Wardhiigley.

8­August 24 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa Isgoyska Sanca dhanka Degmada Kaaraan Xigta ku dilay Gudoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka Degmada Kaaraan, kaa oo lagu magacaabi jiray Cabdulle Maxamuud Cali.

9­August 30 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa Tabeellaha Sheekh Ibraahim ku dilay haweeney shaah ku iibin jirtay halkaasi.

10­August 30 2017, Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Wadada Shirkadaha, oo dadka qaarkii ay u garanayan (Carwo Istaag) ee magaalada Muqdisho ku dilay Haweeney.

Dilalka noo diiwaan gashan ayaa waxaa fuliyay maleeshiyaad ka tirsan Al­shabaab, gaar ahaan kuwa usoo shaqada taga fulinta dilalka qorsheysan ee loo yaqaan amniyaadka.

You might also like More from author