6-Arimood oo Midkood Madaxweyne Farmaajo uu u Baajiyay Kulankii Maanta ee Labada Aqal

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka cudur daartay fadhigii uu isagu codsaday ee labadda Aqal sababo aan wali la fahmin, xildhibaanadda qaar ayaa soo dhoweeyay go’aanka madaxweynaha waxaana laga bixiyay dhowr fasiraad sababta uu u hakiyay kulanka Maanta waxaana ka mid ah.

1-Buuq laga cabsaday inuu ka dhaco kulanka Baarlamanka markii uu yimaado madaxweynaha oo ay isku buuqeen kuwa taabacsan iyo kuwa kasoo horjeeda.

2-Maalinta 21-ka October oo xildhibaanadda qaar ay Ku tilmaameen maalintii la wiiqay dimuqraadiyadii Somalia iyagoo shaki galiyay waxa codsiga madaxweynaha kusoo beegay maalinkaan.

3-Asbuuc kadib maalintii uu dhacay qaraxii Zoobe oo bari ku aadan iyo xildhibaanada oo laga yaabo iney badi goobta booqdaan.

4-Madaxweynaha oo aan wali haleelin wixii dhabta ahaa ee uu la wadaagi lahaa xildhibaanada labadda Aqal.

5- Cabsi ka dhalatay iney xildhibaano ku filan soo xaadiri waayaan kulanka madaama ay qaar ku doodayaan ujeedada kulanka iney tahay in lagu joojiyo mooshin ay ka wadaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

6- Beesha caalamka oo soo faro galisay talaabooyinka uu rabo inuu qaado madaxweynaha iyagoo dareensan inuu ka maqan yahay doorkoodii arintaan.

Lixdaan qodob midkood ayaa loo badiyay sababta uu madaxweyne Farmaajo uga cudur daartay kulanka Maanta ee labadda Aqal.

QORMADAN WAXAA QORAY WERIYE CABDULAHI CISMAAN FAARAX.

You might also like More from author