Faahfaahino:- Dad Lagu Afduubtay Deegaano U Dhexeya Hiiraan Iyo Bakool

Warar kala duwan oo ay heshay XamarPost ayaa sheegaya in dad shacab ah lagu afduubtay deegaano ka tirsan galbeedka  gobolka hiiraan iyo waqooyiga gobolka bakool

Xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa la sheegay in dadkaan ay ka afduubteen deegaano u kyaal inta u dhexeysa hiiraan iyo bakool

intaasi kadib waxa ku baxay dadkaasi la afduubtay maleeshiyaad macawisley ah oo ka mid ah dadka deegaanka

Waxaana dagaal xoogan uu ku dhaxmaray xubnihii ka tirsanaa alshabaab deegaanka fargalin oo dhaca galbeedka gobolka hiiraan

khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaan oo muddo saacado ah qaatay

mid ka mid ah kooxada macawisleeyda oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka dhaxmaray iyaga iyo al-shababa

Waxaana uu sheegay in alshabaab ay ka dileen 12 xubnood islamarkaasna ay kasoo furteen dadkii shacabka ahaa ee deegaanka ay ka afduubteen isagoo in dhankooda  xusay in laga dilay laba qofood.

Dhankale ninkaan ka mid ahaa kooxada macawisleyda oo dalkiisa sii wata ayaa waxa uu maamulada Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed uu ku eedeeyay in aysan waxba u qaban dadkaasi shacabka ah ee la afduubtay

waxaana uu sheegay in arintaan ay ku wargalinyeen balse aysan wax jawaab ah kusoo celin

 

You might also like More from author