WAR CUSUB: Wakiilka Kalidou Koulibaly Oo War Cusubi Kasoo Yeedhay, Man United Oo Ay Farxad U Tahay & Haddii Uu Juventus Ku Biiri Karo Oo Uu Ka Hadlay.

Wakiilka daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly ee Bruno Satin ayaa war cusub kasoo saaray mustaqbalka xiddigiisa isla markaana ay jawaab ka heleen kooxo badan oo ay ugu horrayso Man United oo ah kooxda inta ugu badan doonaysa.

Man United ayaa xaalad wanaagsan ku jirtay tan iyo imaatinka tababare Ole Gunnar Solskjaer ciyaartoyda kooxda ayaana si cajiib ah uga jawaab celiyay hab maamulka tababare Solskjaer.

Mudada tababare Solskjaer ayay United kusoo laabatay afarta kaalmood ee ugu sarreeya kuwaas oo wax aan macquul ahayn u muuqday wakhtigii Jose Mourinho laakiin maaha wax ku filan maadaama oo la filayay inay horyaalka kula tartamaan City kaddib inay kaalinta labaad ku dhammaysteen xilli ciyaareedkii hore.

Haddaba, Iyadoo uu Koulibaly halka ugu sarreysa kaga jiro liiska xiddigaha lagu soo xoojinayo Manchester ayuu wakiilkiisu sheegay hadal ay jeclaysteen jamaahiirta kooxdaasi isaga oo xusay kooxo waaweyn uu dhagaysan doono.

Dhinaca kale wakiil Bruno Satin oo ka hadlaya fursadaha Juventus uu ugu wareegi karo Kalidou ayaa tilmaamay in uusan filayn inuu Napoli ku khiyaami doono u ciyaarista Juve.

Satin ayaa yidhi “Koulibaly oo Juventus jooga miyaa? Waxa uu ku dhaw yahay Napoli, Kooxda iyo dhammaan magaalada”

“Uma malaynayo inuu waligii iyaga ku khiyaami doono inuu tago Juventus laakiin yaynaa iloobin in iyagu ay yihiin ciyaartoy xirfadlayaal ah”

“Haddii aad haysato fursada aad kaga ciyaarayso marxalado muhiim ah, Waad dhagaysaaysaa, Haddii aan ku celiyo, Isagu waxa uu aad ugu dhaw yahay Napoli”

Ugu dambayn, Mancchester United ayaa si lamid ah Koulibaly doonaysa xiddigo kale oo waaweyn waxaana lala xidhiidhinayaa Douglas Costa oo Juventus ka tirsan, Daafaca Atletico Madrid Lucas Hernandez iyo Borussia Dortmund da’yarkeeda Jadon Sancho.

You might also like More from author