Muxuu Tababare Maurizio Sarri Ka Yidhi In Jamaahiirta Chelsea Ku Oriyeen Jorginho Xalay? Miyuu Markale Difaacay Xiddiga Dalkiisa?

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa ka fal-celiyay orintii ay jamaahiirta kooxdiisu kusoo dhaweeyeen xiddiga khadka dhexe ee Jorginho oo bedel kusoo galayay kulankii ay xalay guusha ka gaadheen Malmo.

Tababaraha Chelsea ayaa maalmo kaddib imaatinkiisa kooxda lasoo saxeexday Jorginho oo loo arko ubucda hanaankiisa ciyaareed ee Sarri-Ball.

Haddaba, Kaddib markii uu soo dhammaaday kulankaasi ayuu tababare Sarri ku dooday in 30 kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horreeyay ay si weyn u tabeen Jorginho isla markaana uu filayo in taageeradu ay fahmi doonaan muhiimada uu u leeyahay.

Maurizio Sarri ayaa yidhi “30 ki daqiiqo ee ugu horreeyay waxaanu fahanay sababta uu Jorginho muhiimka ugu yahay kooxdiisa”

“Waxaanu ku dhibanayan inaanu ka baxno qaybtayada garoonka, Cadaadisku marka uu Jorginho joogo ayuu sahlan yahay ayaan filayaa”

“Waxaan rajaynayaa in jamaahiirtayadu ay awoodi doonaan inay fahmaan in Jorginho anaga uu aad muhiim noogu yahay”

Sarri ayaa xilli ciyaareedkani dhibane ku noqday ku adkaysiga habkiisa ciyaareed oo ay naceen inta ugu badan jamaahiirtu waxaana ay dhacdadaasi soo if-baxday markii kooxaha kasoo hor-jeeda fahmeen qaabka uu kusoo shirtagayo.

You might also like More from author