Michael Owen Oo Saadaaliyay Kulamada Premier League Ee Toddobaadkan & Aragtidiisa Kulanka Kooxihiisii Hore Ee Man United vs Liverpool

Xiddigii hore ee kubadda cagta England ee Michael Owen ayaa dhiibtay saadashiisa toddobaadlaha ah ee horyaalka Premier League, waxaana kamid ah kulamada uu saadaaliyay midka dhex maraya berri kooxihiisii hore ee Manchester United iyo Liverpool.

Ugu horreynba, Michael Owen ayaa qaba in kooxda horyaalka hoggaaminaysa ee Chelsea ay ka adkaan doonto kooxda ugu hooseysa ee Norwich City oo ay ku qaabilayso Stamford Bridge duhurnimada maanta.

Sidoo kale waxa uu guul u rajeeyay Manchester City oo booqanaysa kooxda bilawga fiican samaysay ee Brighton oo haatan booska afraad ka joogta kala sarreynta Premier League.

Sidoo kale waxa uu guulo u saadaaliyay kooxaha West Ham United iyo Leicester City oo la kala ciyaaraya Tottenham iyo Brentford sida ay u kala horreeyaan laba kulan oo labaduba magaalada London ka dhici doona.

You might also like More from author