Manchester United & Chelsea oo markale ku dagaallami kara Radja Nainggolan (Man U oo dalab gudbisey iyo…)

Manchester United ayaa doonaysa inay dareenkeeda mar kale u weeciso laacibka khadka dhexe ee Roma ee Radja Nainggolan oo ay doonayso £40m oo gini maaddaama ay Tottenham iska caabisay doonistoodii Eric Dier.

Nainggolan, 29 jir, ayaa ah laacib xooggan isla markaana farsamo ahaan aad u geedeeysan, wuxuuna muddo dheer bartilmaameed idman u ahaa Chelsea iyo Antonio Conte gaar ahaan xagaagii tegey.
Yeelkeede, Chelsea ayaa waloow ay haatan u dhow dahay laacibka Monaco ee Tiemoue Bakayoko misna Conte ayaan weli ka quusanin Nainggolan oo siin kara dookhyo badan oo dhanka khadka dhexe ah.

Waxaana dhici karta inuu markale dhacdo dagaal dhanka suuqa ah oo dhexmara labada kooxood ee Chelsea iyo Man U oo kooxda hore ka dul qaadday Lukaku.

Xamarpost.com

Xafiiska Muqdisho
[email protected]

You might also like More from author