Kooxda Juventus oo saxaafadda usoo bandhigtay Douglas Costa + Sawirro,
(Torino) 17 Luulyo 2017 – Kooxda Juventus ayaa saxaafadda usoo bandhigtay laacibka reer Brazil ee Douglas Costa oo ay kasoo qaateen kooxda Beyern Munchen.
Laacibkan garab-weerarka ah ayaa booqday garoonka Juventus Allianz Stadium, isagoo sidoo kale booqday matxafka iyo maqsinka wayn ee Juventus.
Douglas Costa ayaa Juve u qaadan doona lambarka 11-aad fasal-ciyaareedkan 2017-18.