Haddii Uu Diyaar U Yahay Shaqada Tababarenimo Ee Barcelona & Xavi Hernandez Oo Ka Hadlay Kulanka El-Clasico

Maaha wax sir ah in Xavi loo bandhigay shaqada tababarenimo ee Barcelona markii uu madaxweyne Josep Maria Bartomeu joogay balse haatan ayuu sharaxay sababta uu wakhtigaas u diiday.

Xavi ayaa sheegay inuusan shaqada tababarenimo ee Barcelona qaban karin wakhtigaas maadaama oo uu bilo kahor uun bilaabay inuu tababare u noqdo Al Sadd oo uu kubadda cagta kaga fadhiistay sanadkii 2019.

“Haa, waxaan dareemayaa inaan diyaar u ahay inaan tababaro koox kasta oo dunida ah” ayuu ugu horreynba yidhi Xavi oo ka hadlayay haddii uu shaqada Camp Nou hadda diyaar u yahay.

“Markii ay isoo bandhigeen shaqada, kaliya saddex bilood ayaan tababare ahaa, laakiin haatan way ka duwantahay, waxaan leeyahay khibrad intii hore ka badan, wax badan ayaan halkan ku baranayaa.”

Dhinaca kale Xavi oo ka hadlay Clasico ayaa sheegay in aysan jirin marnaba koox ugu cad-cad guusha kulankaasi ciyaarta kahor balse uu rajaynayo in kooxdiisii Barca ay guuleysato.

“In badan ayaan soo ciyaaray markastana waa isku mid, ma jirto koox guusha ugu cad-cadi kahor Clasico. Laakiin waxaan aaminsanahay in sida iska cad kooxdaydu guuleysato, laakiin Clasico marnaba malaha koox ugu cad-cad.”

You might also like More from author